Minnesota Inclusion Initiative waxaa maalgaliya Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Minnesota (Department of Human Services, DHS) oo ay maamusho Arc Minnesota.

Ujeedada deeqdan ayaa ah in lacag lagu abaalmariyo kooxaha iskood u ololeeyay iyo ururada ka shaqeeya kamid noqoshada bulshada ee dadka qaba naafada garaadka iyo korriinka. Mashruucyada waa in loo tiriyaa mid kamid ah qaybaha soo socda:

· Hoos u dhigista caqabadaha ka hor imaanaya kaqaybgalka shaqada ee ay la kulmaan dadka qaba naafada garaadka iyo korriinka.

· Ka gudubka caqabadaha fursadaha helitaanka iyo gaadiid la isku halleyn karo oo loogu talagalay dadka qaba naafada garaadka iyo korriinka.

· Aqoonsiga iyo wax ka qabashada caqabadaha hortaagan codbixinta ee ay la kulmeen dadka qaba naafada garaadka iyo korriinka.

· U ololeynta kordhinta helitaanka guryaha ee dadka qaba naafada garaadka iyo korriinka.

· La shaqaynta hay'adaha duwaliga ah mise ganacsiyada arrimaha helitaanka ee hoos yimaada Xeerka Naafada Maraykanka.

· Kordhinta wada shaqaynta ka dhaxaysa kooxaha isku ololeeya iyo ururada kale si wax ku ool ah wax looga qabto arrimaha nidaamka ee saameeya dadka qaba naafada garaadka iyo korriinka.

· Kordhinta awoodda kamid noqoshada bulshada.

· Bixinta waxbarashada dadweynaha iyo ka warqabka xuquuqda madaniga ah iyo xuquuqda aadanaha ee dadka qaba naafada garaadka iyo korriinka.

Dhammaan lacagaha deeqda ah waxaa si toos ah loo siinayaa ururka mise kooxda iskeed u ololeysa. Ma awoodno inaan shakhsiyaad ku abaal marinno lacagaha deeqda ah. Kooxuhu waa inay lahaadaan akoon maaliyadeed oo la xiriirta ururkooda si ay u helaan lacagaha deeqda ah. Haddii kooxdaadu aanay lahayn akoon, waxay la shirko la noqonyayaan urur u adeegaya sidii taageere dhaqaale. Taageere dhaqaale (dhaqaale haye) ayaa noqon doona urur lacag ku hayn kara magaca kooxdaada. 

Haddii lacagta deeqda la bixiyo, shakhsiga codsanaya ayaa lala xiriiri doonaa si uu u bixiyo macluumaad dheeraad ah.

Su’aalaha leh calaamad cas * ayaa loo baahan yahay.

Haddii aad rabto qaab kale oo aad ku buuxinayso arjigan, fadlan kala xiriir:

Marais Wakem

Email: maraiswakem@arcminnesota.org

We use Submittable to accept and review our submissions.